X

Carabta oo dib ugu yaacaya Suuriya kadib jabkii ka gaaray isku dirka shacabkaas

Carabta ayaa dib ugu yaacaya Suuriya kadib jabkii ka gaaray isku dirka shacabkaas. Shacabka Suuriya oo ahaa dad xadaarad dheerleh ayna ku yaaleen goobo taariikhiya kuna aasan yihiin saxaabo waaweyn ayaa Suuriya ku soo galay isku dirka dadka walaalaha ah.


Carabta oo ay ugu weyn yihiin Wahaabiyada Sucuudiga, Baxrayn iyo Imaaraadka oo dhinaca iyo Qadar oo wadata Turkiga oo dhinaca ayaa burburiyay magaalooyinka Suuriya kadib markii ay kala taageeraan dhiigmiiratada urur diimeedyada ay kala wataan ee Daacish iyo akhwaan Muslimiin.


Turkiga iyo Qadar oo wata akhwaan Muslimiin ayaa ku dhex dagaalamay magaalooyinka Xaama iyo Xoomas ee bartamaha Suuriya iyo xadka Turkiga halka argagixisada weyn ee wahaabiyada Sucuudigu taageero ee Daacish ay hubka Maraykanku siiyay kala soo galeen Raqa iyo bariga dalka.

Inkastoo Kurdiyiintu u babac dhigeen argagixisada weyn ee Daacish hadana kuma filneyn xilligii xoogoodu weynaa ee 2012, taasina waxay keentay in kumanaan reer Suuriya ah ay u qaxaan Urdun, kuna kufsadaan isla kuwii beenta u sheegay.

Waxana laga hayaa xerooyinkaas dhacdooyin naxdinleh iyo gabdho yaryar oo Carabtu ku meelgaareen sida ay ku warameen haweenka iyo odayaasha reer Suuriya ee ku sugan xerooyinkaas.


Ruushka

Kadib markii Ruushku u soo gurmadey Suuriya waxa dhabarjab xoogleh ku dhacay Wahaabiyada iyo akhwaanka waxana yaraadey awoodii Maraykanka iyo Yuhuudu ku caawin jireen Daacish iyo akhwaanka.

Ugu dembeyn waxa hilfaha loo qaadey xarumihii ugu weynaa, waxayna argagixisada badankeedu isku shubeen oo raaceen dadkii ay qixiyeen ee guryahooda ka dhigteen dhufeysyo, una raaceen Yurub siiba Jarmal.

Guushaas ayaa waxay keentay in dalka u soo haraan dadkii lahaa. Ilaa ugu demben Ruushku keenay hubkiisa noocii ugu fiicnaa taas oo ka dhigtey in Yuhuud dhuumasho ku soo weerarta Suuriya mooyeeaya u dhici karin dagaal toosa.


Dalka badankiisa ayaa hadda gacanta ugu jira ciidanka Suuriya oo sii xoogeystay, waxana ka maqan kaliya hal gobol oo laguu aruurshey dhamaan argagixisadii dagaalami jirtey, dhawaana la xoreyn doono.

Kurdiyiinta oo laba qaybooda ayaa waxa jabay tii uu watey Maraykanku markii Trump sheegay inuu la baxayo ciidankiisa. Maanta 28/12/2018 waxay durbaba dalbadeen in ciidanka Suuriya ka soo gaaro kuwa Turkiga ee Erduqaan.

Madaxweynaha Suudaan oo hadda xaalku ku xunyahay ayaa bilaabey booqashada Suuriya, Carabta kale ee ugu horeeyo Wahaabiyada Imaaraadka ayaa iyaguna sheegay inay furayaan safaaradoodii.


Suuriya waxay u baahan tahay dib u dhis lagana yeeli mooyo kuwii burburiyay inay hadana dib u dhisaan laakiin haday Carabtu rabto inay hanato qalbiga Suuriya iyo madaxdooda waa inay waxay dagaal ku weyday hadda ku raadisaa maalgelin ayuu yiri khabiir la socdey arimaha Suuriya.


ā€¯Waana sida keliya ee Carabtu ku hanan karto Suuriya wayna adagtahay in madaxweyne Asad ka diido waayo dalkiisa ayaa u baahan dib u dhis xoogan.

Carabtu waxay arkeen xaqiiqda dhulka ka jirta ee maaha jacayl ay u qabaan madaxda Suuriya awoodna malaha mar haddii Maraykankii ku dhici waayay inuu Ruushka kula tartamo Suuriya.

Erduqaan ayaa isagu rabay inuu isku furto Suuriya ilaa Qaza oo urur diimeedkiisa akhwaan faafo gaarana Masar, lacagta ugu badana waxa bixin jirtey Qadar.

Rashid Ceelanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.