X

Faahfaahin qarax argagixisadu ka fulisay Beledweyne

Warar dheeraada ayaa ka baxay qarax argagixisadu ka fulisay Beledweyne halkaas oo miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxdey gaari yaalay oo uu leeyahay sarkaal booliisa.


Qaraxan miinada ayaa waxa ku geeriyooday hooyo Somaliyeed. Waxana cad in miinada ay ku aaseen isla kuwa guriga degan oo la shaqeeyay argagixisada.

Hooyada argagixisadu dishey ayaa goobta laga qaaday. Waxa muuqata in argagixisadu cabsi gelisay dadka guriga degan kadibna ama iyagu ku aaseen ama shaqaaluhu ku aaseen ayuu yiri masuul ka tirsan ciidanka booliiska.


Laba masuul oo guriga degan ayaan iyagu joogin xillligaan, waxase booliisku bilaabay baaritaan guriga oo dhan.

Xasuuqa argagixisadu gaysatey sanadkan ayaa kor u dhaafay 400 oo Somali ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.