Waxa si isdaba jooga Moosko ugu qulqulaya madaxda Carabta qaarkood sida Imaaraadka iyo Qadar iyo kuwo kale oo la kulmay madaxweynaha Ruushka. Arintan ayaa Maraykanku aad uga naxsan yahay xilli uu ku hanjabay inuu Sacuudiga xiriirkiisa xumayn doono.
Madaxdan Carabta ee ku qulqulaysa Ruushka ayaa jawaab u ah inayna raali ka ahayn siyaasada cajuus Baydan oo hadda ay soo koobanayaan wadamada daacada u ah oo u muuqda keliya inta ay isku afka wadaagaan.
Maraykanka oo dabada ku wata 26 wadan ayaa ku guuldaraystey in Ruushka uu dhaqaale burburiyo, haddana wadamo Faransiisku ka mid yahay ayaa iyagu cadeeyay mowqufkooda haddii arimtu xumaato. ”Dalkayaga waxba uma dhibeyso haddii Yukrayn lagu dhifto hubka nukliyeeka ayuu yiri Makron.
Waxa hadalkaas ka gubtey Maraykanka iyo xulafada Yurub sheegta oo awal been isku sheegaayay. Ruushka ayaa dhinaca kale sheegay inay Turkiga isku raaceen in dalkiisa laga sameeyo xarun gaasku isugu yimaado kadibna loo dhaafiyo Yurub. Talaabadan ayaa ka sii caraysiin doonta Maraykanka oo hadda si xoogleh uga iibiya gaaskiisa wadamada Yurub ee uu gumaysto.
Carabta ayaa u muujinaysa Ruushka inayna marnaba ogolaan doonin in guushu raacdo Maraykanka laakiin ay hoos ahaan u taageeri doonaan Ruushka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS