Waxay ahayd shalay taraawiikhdii kadib markii gabadha dhalinyarada ahayd ee Nimco Cumar oo soo gudatay waajibkii Alle ay dhiigmiirato aan tukan midi ku weerareen kadibna goobta ka carareen magaalada Gaalkacyo.
Waxa dilkan aad u xumaadey dhamaan bulshada Somaliyeed. Dilalla noocana ayaa waxa fuliya koox dhiigmiirato oo la malaynayo argagixisada Shabaab waayo iyaga kaliya ayaa dila birimagaydada.
Inkastoo dilal kale oo foolxun ay gayasteen kuwa aan ka dhicin. Hadabna dilkaas foosha xun ee lagu kacay Nimco Cumar oo birimagayda ah ayaa Puntland sheegtay in qof loo qabtey.
”Baaritaan ayaan ku wadnaa shaqsigaan aan qabanay ayaa sheegeen booliiska Puntland.
Waxa welli la sugayaa in abaalkood la mariyo kuwii lagu helay inay dileen weliba kufsadeen Caasha Ilyaas. Gaalkacayo ayaa noqotey goob sanadkan lagu dhibaateeyo gabdhaha Somaliyeed.
Waxana la sugaa waxa ka soo baxa baaritaankan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS