X

Cida keliya ee ka daacada dabargoynta argagixisada waa anaga: Ahlusuna

Gudoomiyaha Ahlusuna ee gobolada dhexe Sheekh Shaakir ayaa tacsi u direy ehelada dadkii ay xasuuqeen nijaasta wahaabiyada ee kooxda gaalaynta ee la baxdey shabaab ayaa sheegay in cida keliya ee ka daacada dabargoyntooda ay yihiin iyaga.


“Waxa naga go’aan in cadowgaan aan Ka tirtirno dalka, wuxuuna Ku baaqay in dawlada gudayo waajibkeeda. Ma jirto muddo 5 sanno ah weeraro wax ku oola oo lagu qaaday dhiigmiiratada.

Argagixisada oo fuley ah waxay raadsadaan bartilmaameed fudud sida goobaha dadku Ku badan yihiin si ay u xasuuqaan dad farabadan sida aan aragney xasuuqyadii dalka soo maray.


“Awalba diyaar ayaan u ahayn haddana diyaar ayaan u nahay ciribtirida fuleyda argagixisada ee Ku qubeysata dhiiga ummada Somaliyeed ayuu yiri Sheekh Shaakir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.