X

Madaxweyne Farmaajo oo sii sagootiyay dhaawac loo qaaday Turkiga: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sii sagootiyay dhaawaca xasuuqii ka haray weerarkii fuleynimada ahaa ee dhiigmiiratada wahaabiyada shabaab la eegteen dadkeena. Waxa dhaawaca qaaday diyaarad ay keentay walaalaheena Turkiga.


Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawaca dalka waxba looga qaban Karin ee xaaladooda culus yihiin, wuxuuna midkassta u rajeeyay in RABI Ka fujiyo xaalada ay Ku jiraan.


Waxaan idiin balan qaadaynaa inaad heshaan daryeelka caafimaad ee aad u baahan tihiin. Wuxuu codsaday in shacab iyo dawlada loo wada gurmado dadka ay bahalaha argagixisada ay laysay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.