X

Turkigu muxuu ka yiri macalimiintii uga shahiidey xasuuqa

Xasuuqii maanta ay dhiigmiiratada kooxda gaalaynta muslimiinta ee shabaab ka gaysatey waxa ku shahiidey laba Macalin oo u dhashay Turkiga oo saarmaa gawaadhida ardeyda sidey.


Qaraxa oo ay ku beegeen xilli dadku shaqada Ku soo noqonaayay ayaa ujeedadu ahayd inay Ku xasuuqaan tiro aad u farabadan.

Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Somaliya ayaa xaqiijay dhimashada laba muwaadin oo shahiidey. Wasiirka arimaha dibedda ee Turkiga ayaa sheegay in Turkigu markasta la jiri doono lana dhiman doono ummada Somaliyeed.


Tirada maanta ay xasuuqeen waxa boqolkiiba 90 ay yihiin ardey taas oo Ku xasuusinaysa xasuuqyadii hore. Waxase jira dad u soo baxay nolol maalmeedkooda laakiin dhiigmiiratada ayaga waa meelaha ay ugu jecelyihiin waayo waxay rabaan in la maqlo in ay welli jiraan.

“Somaliya iyo dadkeeda aan walaalaha nahay waan garab taaganahay ilaa laga cayrsado dhiigmiiratada dalksna laga sifeeyo ayuu yiri wasiirka arimaha dibedda ee Turkiga. Wuxuu Turkigu diyaar u yahay inuu ka jawaabo baahiyaha ka dhashay xasuuqa ayuu raaciyay.


Masuul dawladda u hadlay ayaa Ka baqaya in dhimashadu gaarto boqol taas oo ka sii farxinaysa kooxda gaalaynta ee Ku qubeysata dhiiga muslimiinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.