X

Cidii ka dambeysay isku daygii dil talaabo ayaan ka qaadaynaa: KARAASH

AXMED KARAASH (ARAABINEWS.COM

Madaxweynaha Butlaan ayaa sheegay inuu talaabo ka qaadi dono cidii ka dambeysay isku daygii dil ee loogu dan lahaa wasiirka arimaha dibedda oo hoygiisii Gaalkacayo jooga. Waxa halkaas lagu diley askari ilaalo u ahaa wasiirka waxana dhaawaca nabadoon.


Madaxweynaha oo hadlay ayaa sidan yiri:

Waxaan ka tacsiyaynayaa shaqaadada ka dhacday caawa Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo, waxaan Eebe Janatul Fardowsa u waydiinayaa askarigii ku nafwaayey, inta ku dhaawacantayna waxaan u rajaynayaa in Eebbe u booga-dhayo oo uu ugu horeeyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka Mudug.


Waxaan aad uga xumahay dhacdadan liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka iyo kan Degmada,sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland ah.


Waxaan u magacabayaa Guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas.



Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.