X

Kiiniya oo ka qayliday kharashka kaga baxay daadgureyntii Ceel-waaq

Kiiniya ayaa ka qayliday kharashka xad dhaafka ah ee kaga baxay daad-gureynta doorasho booba oo ay ka waday Ceel-waaq. Doorashadan bugta ah ayaan waafaqsanayn heshiiska la gaaray iyo kii barlamaanka.


”Xildhibaan diidey in magaciisa la sheego ayaa sheego in kharashka baxay iyo faaiidada ka imaanaysa ayna is lahayn, Ilaa hadda waxaan soconaa ku dhawaad nus milyan qaadista ergada doorashada ka qayb galaayay iyo askarta iyo wixii loo baahnaaba ayuu qirtey xildhibaanku.


”Waan ka xunahay laakiin waxkasta waxa noo mmuhiimsan inaan Farmaajo soo joqon haddii kale waan fashilanay ayuu raaciyay. Kiiniya iyo kooxaha la midka ah ayaa xoogooda iskugu geeyay sidii u hubin lahaayeen in madaxweyne Farmaajo aanu soo noqon.



Doorashada bugta ah ee maanta ka dhacday Ceelwaaq ayaa waxa la xaqiijay in ergada wax dooranaysay laga keenay Kiiniya halka la sii diyaariyay liistada iyo waraaqahaba, waxa dhana lagu dhamaayey saacad wax ka yar.


Madaxweynaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamy doorashooyinka isdaba socda. Lagamana yaabo inay galaan xarunta golaha shacabka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.