X

Maxaan ka ognahay dil qorsheysan oo ka dhacay Gaalkacayo

Wasiirka arimaha dibedda ee dawlada dhexe C/samad Muuse Cali ayaa ka badaaday isku dey dil markii uu Gaalkacayo u geeyay caruurtiisa is barasho ehel. Wasiirka oo aan wadan ilaalo badan ayaa waxa casuumad u fidiyay nabadoonkiisa Yaasiin C/samad iyo nabadoon Cabdi Qurux. Waxa lagu war helay weerar ay ku soo qaadeen ciidanka horjooge Siciid Deni.


ā€¯Weerarka waxa nagu soo qaaday ciidanka horjooge Siciid Deni ayuu yiri askari isaga lagu dhaawacay guriga, kadibna guriga ayay galeen halkaas oo ay meyd ahaan uga tageen laba nabadoon oo kala ah nabadoon Cabdi Qurux iyo Yaasiin C/samad oo dhaawaciisa laga deyrinayo ayuu yiri askariga.


Nasiib wanaag kumayna raagin guriga uu ku jiray wasiirka arimaha dibedda oo isaga iyo nabadoon Yaasiin C/samad loo socday. Afhayeen u hadlay horjooge Siciid Deni ayaa ku eedeeyay wasiirka arimaha dibedda inuu qas u yimi Gaalkacayo.


Waxay muujinaysaa in dilkan qorshaysan ee ugu yaraan fashilmay inkastoo horjooge Siciid Deni uu diley askar iyo oday dhaqameed uu isaga soo abaabulay, isagoo Xamar joogana welli uu amrayo dilal qorsheysan ayuu qabaa Xirsi Warfaa.



Si kastaba ha ahaatee waxa ayaan daro ah isagoo welli wada dilka inuu haddana inoo sharaxan yahay lacag badana uu wato. Waxa dilkan qorsheysan cambaareeyay wasiirkii hore ee arimaha dibedda Somaliya Maxamed C/risaaq

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.