X

Ciidamada amniga Muqdisho oo maanta soo hooyay laba guul

Ciidamada amniga magaalada Muqdisho ayaa maanta soo hooyay laba guul oo isxiga oo dadka badankiisu ku tilmaameen mid RABI ku sii ah dabcan guul oo dhan waxay gaar u tahay Allaheena awooda leh.


Ciidamada ayaa guusha hore keenay kadib markii ay gacanta ku soo dhigeen argagixiso askari booliisa ku dhaawacay degmada Yaaqshiid kadibna baxsadey oo lagu soo qabtey deegaanka Suuq bacaad.

Xilliga argagixiskaan kooxda gaalaynta ka tirsan la qabanaayay waxa uu watey bastooladii uu ku dhaawacay askariga.


Dhacdada kale ayaa iyana ka dhacdey nawaaxiga taalada daljirka dahsoon halkaas oo la toogtey argagixis kooxda gaaleynta ah oo u cabaystey inuu dilo askari booliisa oo gawaadhida baaraayay.


Inta badan ma dhacdo guulaha noocana waxana dhaca in argagixisadu baxsadaan kadibna dilalka halkii ka sii wadaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.