X

Maamulka Somaliland oo saaraya dhaqaatiir ku-sheeg ajaanib ah iyo tirada

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu deegaanada hoostaga ka saarayo dhaqaatiir ku sheeg ajaanib ah oo iska furtey goobo ay haweenka lacagta kaga furtaan. Ajaanibtan ayaa waxa inta badan soo geliya deegaanka Somali ayagoo ka daba faaiida lacago xad dhaafa.


Gudoomiyaha xirfadleyaasha caafimaadka ee maamulka Somalilabd Axmed Xaashi Odey ayaa sheegay in tirada ajaanibta ee la masaafurinayo ay gaarayaan 113, kuwaas oo isugu jira kuwa dal-ku joogu ka dhacay iyo kuwo la diidey in loo cusbooneysiiyo.


“Waxaan u sheegayaa ajaanibta inay mudo bil ah haystaan inay Somaliland kaga baxaan” ayuu yiri Axmed Xaashi Oday.

Waxase uu shergay in qabyaaladu u saamixi weyday dhaqaatiir qaar oo buga inuu deegaanada ka saaro oo isaga laftiisa loo hanjabay. Maamulka ayaa far dhaqaajin la uu ku fuliyo hawlasha waaweyn ee dawlad lagu noqon karo.


Guud ahaan Somaliya ayaa lagu qiyaasay inay joogaan kunanaan dhaqaatiir buga oo xataa aan soo baran dugsi sare laakiin sheegta dhaqaatiir, halka tiro intaas ka badan ay ku shaqaystaan xirfado kale oo ayna aqoon u lahayn.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.