X

Ciidanka xooga oo soo afjaray weerarkii Kiiniya ee Baladxaawo

Waxa deganaansho buuxa laga dareemayaa magaalada Baladxaawo halkaas oo maleeshiyada ay Kiiniya soo hubeysay saaka ay weerar soo qaadeen. Qoryaha Kiiniya soo ridey ayaa la xaqiijay inay gaysteen khasaaraha ugu badan ee shacabka soo gaaray.


“Waxa hadda magaalada dhan gaadh Ka haya ciidanka dawlada oo ilaalinaya hantida shacabka sida uu xaqiijay taliyaha aaga hore ee ciidanka xooga dalka. ” Waan baacsanayay ilaa xuduud beenaadka ayuu yiri.

Kiiniya ayaa diidey inay siiso hubka madaafiicda waaweyn inkastoo markii dagaalku xadka soo gaaray ay madaafiic nagu soo tuureen gaystey khasaare ayuu yiri taliyaha.


Si kastaba ha ahaatee Kiiniya ayaa damacsan inay soo habayso maleeshiyadan wada danteeda ilaa ay Ka gingaarto danaheeda ayuu yiri Cali Calasow

Warbixintii Cali Calasow

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.