November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ciidamada Komaandoosta Austareeliya oo soo afjaray nin argagixiso ah oo maqaaxi ku xidhey dad shacaba

images[3]Sydney 15 Dec 2014–Ciidamada sida xooga ah u tababaran ayaa soo afjaray nin u dhashay dalkaasi Iiraan oo dad maqaaxi ka shaahaynaya ku afduubey bartamaha magaalada Sydney. Ciidanka ayaa xoog ku galay xarunta maqaaxida kadib markii la maqley qarax aan la garanayn oo ka dhacay maqaaxida dhexdeeda.

Ilaa hadda lama sheegin in cid wax ku noqotey waxase baxsaday dadkii ku jirey goobta. Waxa la arkayay dadkii maqaaxida oo orod kaga baxaya kadib markii meesha ay ku jireen in ka badan sided iyo toban saacadood.

Booliiska ayaa sheegay in ay ogyihiin ninkan is magacaabay oo ay hore u xidheen hadana uu ku joogey magaalada dabiin markii lagu helay falal argagixiso.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS