X

Suudaan oo laga soo dhaweeyay ciidamada oo la wareegay

Wararka ka imaanaya dalkaasi Suudaan ayaa sheegaya in ciidamada dalkaasi ay eryeen madaxii dawlada Suudaan oo ahaa ninkii Yuhuuda xiriirka la samaystey. Wararka caawa soo baxaya ayaa sheegaya in xabsi lagu hayo isaga iyo wasiiradiisa qaar.


Mucaaradka raacsan madaxa wasiirada waa ninka lagu magacaabo Xamduun ayaa diyaarinaya banaanbaxyo lagu diidan xukunka dalka ay gacanta ku dhigeen askartu berito oo Isniina.

”Lama filayo in askartu wax badan ka bedelaan xiriirada uu sameeyay madaxa wasiirada iyo sharciyo badan oo la meelmariyay ayuu yiri Xuseen Warsame.


Suudaan ayaa laba sanno iyo badh ku jirtey qalqal siyaasadeed oo welli ay ka soo kaban la’dahay, waxase laga naxay xiriirada ay samaysay muddadaaas yar oo ay ku jirto Yuhuuda ay la xiratey.


Si kastaba jha ahaatee kooxda beesha caalamka ayaa la filayaa inay ka soo horjeedsato ayadoo soo maraysa ururka bilaa cidaha ah ee midowga Afrika.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.