X

Ciidamo ka tirsan milatariga oo baaray guriga Cabdiqaybdiid iyo muran ka dhashay

Ciidamada ka tirsan milatariga ayaa baaray guriga Cabdiqaybdiid iyo muran ka dhashay. War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in la faray wasiirka gaashaandhiga inuu baaro arintan.



Cabdiqaydiid ayaa ah gudoomiyaha gudiga dastuurka wuxuuna ka mid ahaa qabqablayaashii sida weeyn loogu yaqaanay burburka dalka iyo wixii ka dambeeyayba.

Qaybdiid oo isna saxaafada la hadley ayaa sheegay in ciidanku burburiyeen qaybo ka mida gurigiisa agabna qaateen. Wuxuuna sheegay inaanu joogin guriga xilliga.



Hay’adaha amniga ayaa balaariyay baaritaanadooda ilaa iyo intii xeer ilaaliyuhu ku dhawaaqay in laba ka mida xildhibaanada ay wadaan qarandumis taas oo dadka badankoodu ku raaceen kana caroodeen.



Hadalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa arintan ka dhigaya mid gasha meelo kale laysna weydiinayo cida guriga baaratey. Warkii kan ka horeeyay ayaa loo maleeyay in ay yihiin ciidanka NISA maadaama askartu xirnaayeen dhar u eg.

Waxa hadda war laga sugayaa in taliyaha ciidanku war ka soo saaro cida ay ahaayeen askarta baaratey guriga xildhibaanka.

Halkan kala soco wixii soo kordha

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.