X

Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan oo Imaaraadku u yeeray

Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan ayaa Imaaraadku u yeeray ayagoo la filayo in la siiyo lacagtii u dambeysay ee lagu khalkhal gelin lahaa dawlada Somaliya ee uu hogaamiyo Xasan Kheyre.

Waxa magaalada Dubai ku sugan jaajuus Cumar C/rashiid oo hore u iibsadey badda iyo Shariif Xasan iyo weliba in ka badan labaatan xildhibaan oo iyagu lacagta wax ka sugaya.



Wararka ayaa sheegaya in marka lacagta la soo qaato la isugu imaan doono Kiiniya si loo dejiyo qorshaha jahwareerin ee dawlada iyo inay heli karaan xildhibaano kale oo ay iibsan karaan.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.