X

Ciidan booliis oo tababaran oo laga dejiyay Baydhabo xilli doorasho dhici doonto

Ciidan booliis oo tababaran ayaa laga dejiyay Baydhabo xilli doorasho dhici doonto bisha soo socota shanteeda. Musharxiinta ayaa halis ugu jira in la weeraro maadaama Baydhabo ay ku hoos jiraan argagixisada gaaleynta Muslimiinta.


Dawlada ma sheegin sababta ciidanka tababaran loo geeyay Baydhabo, waxase la aaminsan yahay in ay tahay in la xaqiijiyo amniga doorashada halkii ciidan ajaanib ah ilaalin lahaayeen.


Ciidanka booliiska ah ayaa la dejiyay xarunta booliiska ee magaalada isla markiiba. Musuqa ka dhexjira booliiska ayaa gaaray halkii ugu saraysay. Maamulka Koofur galbeed ayaa iyaguna sheegay in loogu talogalay amniga doorashada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.