X

Mandheera oo martigelinaysa todobaadka dhaqanka Somalida: SAWIRO

Mandheera ayaa martigelinaysa todobaadka dhaqanka Somalida. Waxa magaalada Mandheere ee Woqooyi Bari Kiiniya ka socota isku diyaarinta maalunta dhaqanka ummada Somaliyeed.


Bandhig dhaqameedkan ayaa lagu marti qaaday dhammaan Bulshada Somaliyeed ee degan geeska Afrika si ay halkaasi ugu dabaal degaan isla markaana ugu muujiyaan hiddaha iyo dhaqanka Dadka Soomaaliyeed.


Madaxa Maamulka Waxbarashada iyo Dhaqanka Mandheera, Cisudiin Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay inay qaban qaabadu marayso meel wanaagsan, isagoo intaa raaciyay inay sameeyeen qorshayaal ay ugu tala galeen inay munaasabaddu ku dhacdo jewi wanaagsan.

“Waxaan ku casuunay Qof walba oo Soomaali ah, si uu u barto dhaqankeenna , taasina waxa ay xasuusin doontaa jiilalka cusub dhacdooyinkii Qarniyo hore, taas oo muhiim u ah ilaalinta hiddaha iyo dhaqankeenna ,” ayuu yiri Gudoomiye Cisudiin.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.