X

Ciidan ka goostey horjooge Siciid Deni oo afka furtey

Horjoogaha maamulka Butlaan ayaa wajahay fadeexad foolxun kadib markii ciidan uu u direy inay la dagaalamaan ciidan diidey inay aqoonsadaan isaga oo ku biiray Isla kuwii uu rabay inay la dagaalamaan.


Ciidanka uu direy oo loo bixiyay daraawiishta ayaa ku biiray ciidan kale oo iyaguna la baxay ciidanka Butlaan oo dhawaan uu isku dayay inuu farogeliyo maamulkooda iyo hawlahooda.


Taliye u hadlay ciidanka daraawiishta loo bixiyay ayaa sheegay in loo soo direy inay walaalahood la dagaalamaan laakiin hadda ay iyaga ku biireen, tiradooduna dhan tahay ilaa 150 askari.



” Waxaan ka kala nimi min Mudug ilaa Laasqorey ayuu yiri taliye u hadlay ciidanka daraawiishta. Horjooge Siciid Deni ayaa ku hanjabay inuu dagaal qaadi doono. “Ani waxa la ii doortey inaan amniga ilaaliyo ayuu yiri horjooge Siciid Deni. Waxase la sugaa talaabada kale ee uu qaado asagoo u muuqda in ciidan kale aanu haysan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.