X

Dhiigmiiratada Taalibaan oo sanam ay qarxiyeen 20 sano kahor hadda lacag ku raba

BUDHA

Dhiigmiiratada Taalibaan ayaa 20 sano kahor qarxiyay sanam weyn oo asxaabihii Muslimiintu ayna taaban markii ay xukunka dalkaasi qabsadeen.  20 sano kadibna waxay rabaan inay 5 doolar kaga qaataan oo loo soo dalxiis tago.


”Dalxiiseyaasha aan jixin jixi lahayn way iman karaan waxayna ku eegi karaan daloolada ka hadhay sanamkaa la qarxiyay 5 doolar oo ay siinayaan waardiyaha Taalibaanka oo fadhiya qol madhan goobta agteeda ayuu yiri sarkaal u hadlay Taalibaan.


Madaxii Taalibaan ee xilligaa amray in la qarxiyo sanamka ayaa sheegay inuu isku buuqsanaa kana cadhaysnaa reer galbeedka halka markii dambe uu marmarsiyo ka dhigtey in diintu fasaxday in la qaxiyo sanamyada.



Lama garan karo in dalxiiseyaal u tagi doonaan dhiigmiiratada Taalibaan oo shalay dadka xasuuqayay, welina haweenka u ogolayn inay wax bartaan. ”Waxaan tusaynaa aduunka in dalku nabad yahay oo qaraxyadii iyo dilalkii qarsoonaa jirin waayo anagaa xukunkna naloo daayay ayuu yiri madaxa gobolka dalloolkan sanamku ku yaalo.

”Waxaad moodaa inay hadda waxyar diintu u bilaabmayso ayuu yiri Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.