X

Ciidanka booliiska Boosaaso oo ku guulaystey in naf badbaadiyaan

Ciidanka booliiska magaalada  Boosaaso ayaa dadka shacabka ah ka badbaadiyay xasuuq ay Kula kici lahaayeen argagixisada shabaab/daacish kadib markii ay miini ku aasern xaafad ka tirsan magaalada.


Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) oo shir Jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in qaraxa xalay la dhigay Soonaha Baxayo ee Magalada Boosaaso, halkaas oo Ciidamada Puntland ay fariisin ka dhigtaan xilliyada qaar dad Shacab ahna ay ku badan yihiin.


Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Ciidamada Ammaanka ay ku guuleysteen inay fur fureen Miinada iyo qalab kale oo loogu talo galay in wax lagu qarxiyo.


Masiibada koozfa gaalayntu ku ride lahayd halkaas ayaan la qiyaasi kareen. Waxa caado u ah fuleyda argagixisada koozda gaalaybta in ay qaraxyo la eegtaan goovaha dadku farobadan yihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.