X

Ciidanka dawlada oo mishaharka loo kordhiyay

Wasaarada maaliyada Somaliya ayaa ciidanka u kordhiyay mishaharka ay qaataan. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay.


Golaha wasiirada ayaa ansixiyay miisaaniyada taas oo uu Ku tilmaamey mid horumara.

“Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.


Waxa aad loo soo dhaweeyay kordhinta la siiyay ciidanka qaranka oo hadda tayadoodu liidayo Lana rabin in ay korodho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.