X

Ciidanka difaaca cirka ee Suuriya oo dhulka soo dhigey gantaalo Yuhuudu soo gantey

Ciidanka difaaca cirka ee Suuriya ayaa dhulka soo dhigey gantaalo Yuhuudu soo gantey xalay saqdii dhexe waqtiga Suuriya. Yuhuuda oo isticmaalaysa hawada Lubnaan ayaa gantaaladan soo tuurtey.


Waxa lau guulaystey in dfhamaan gantaaladaas dhulka la soo dhigo inkastoo ay jiraan laba xabo oo ku dhacay garoonka diyaaradaha ee caasimada Dimishiq ayaa lagu yiri warbixin ay Suuriya soo saartey.


Wasaarada difaaca Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in afar askari oo Suuriya u dhashay ay ku dhinteen labana ay dhaawac yihiin. Yuhuuda aya ku dhici weyday inay diyaarado toosa ugu weerarto Suuriya kadib martkii Ruushku siiyay Suuriya gantaalo casriya.

Yuhuuda ayaa hadda si toosa u qirata kuna andacooda iney weerar ku yihiin Iiraan iyo Xisbullah oo marhore taageeri jirey Suuriya imikase aan shaqo ku lahayn.


Yuhuuda ayaa Ruushka dhowr mar ka codsatey inay joojiyaan caawimada hubka ee ay siiyaan Suuriya waxase taasi ay jabisey Yuhuudu markii ay ku soo dhuumatey diyaarad Ruusha oo ku soo socotey Suuriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.