X

Xalinta qabashada shirweynaha xisbiga dawlad deegaanka oo Jigjiga ka socota

Guddi ku hawlan xalinta hanaanka loo marayo qabashada shirweynaha xisbiga dawlada Somali galbeed. Hanaanka shirka loo qabanayo iyo cida ka soo qayb-galaysa ayaa ismari ka dhalisay maamulka sare ee xisbiga iyo madaxa ku meelgaarka ee dawlada deegaanka.


Xisbiga ayaa welli ku dhisan nidaamkii Cabdi Iley u dejiyay ee sadbursiga ku dhisnaa ayadoo magaalooyin badan si cadaalad daro loo siiyay lacago farabadan halka kuwo badana ay waxba haysan.


Maamulka hadda jira ayaa ku yimi isbedel ka djhacay Itoobiya guud ahaan oo keenay xoriyada dadku xaqa u leeyihiin, waxase welli jira cunfigii uu ka tagey Cabdi Iley iyo Tigreegii dabada ka wadey.


Waxa isna jeelka loo taxaabay Cabdullaahi Itoobiya oo ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatey tacadigii iyo kufsigii ka socday Jeel Ogaadeeniya ee magaalada Jigjiga.

Sawirka hoose Cabdullaahi Itoobiya

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.