X

Ciidanka Haramcad oo ka hadlay siday u soo af-jareen weerarkii mujrimiinta shabaab

Ciidanka aad ka u tababaran ee Haramcad ayaa soo af-jaray weerarkii mujrimiinta shabaab ay ku xasuuqeen dad shacaba markii ay rasaas ooda uga qaadeen wuxuu fadhiyay. Dadka badankiisa ayaa la badbaadiyay.


Waxa la sheegay in hudheelka ay ku jireen in ka badan 200 qof oo intooda badan la soo badbaadiyay sida ay sheegeen afhayeenka Haramcad.

Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramacad oo uu hagaaminayay Taliye Farxaan Qaroole ayaa gaaray Hotelka mujrimiintu weerareen. Waxaan markiiba bilownay badbaadibnta dadka ayuu yiri.


Waxaan kadib hal hal u tooganay dhiigmiiradka shabaab oo dadka huteelka ku jira gaaleeyay dhiigoodana banaystey. Taliye Farxaan wuxuu intaa ku daray in argagixisada la soo qalday ay ahaayeen 4 nin oo mid walba ku hubeysnaa qoriga AK47.

”Waan qaadney meydka waana baari doonaa ayuu yiri.  Argagixisada ayaa la ogyahay inay xataa ka xun yihiin dadka shaaha ku cabaya meelaha shacabku dhisteen si dalkooda u qurxiyaan.


Xasuuqa dhabta ah ayaan welli la soo sarin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.