X

Mujrimiinta shabaab oo rasaas ooda uga qaaday dad shacaba

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya Huteel ka ag-dhow xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa mujrimiinta shabaab gaari ku hor qarxiyeen kadibna sadex naftooda soo haligay ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen.


”Markaan maqalay qaraxa ayaan ku cararney meel adag oo mujrimiintu naga toogan karin laakiin waxay markiiba rasaas ooda uga qaadeen dadkii fadhiyay huteelka oo xagooda ka ah gaalo ayay tiri haweenay ka badbaaday.

”Maaha wax cusub oo hore ayaan u aragney siyaabaha ay dhiiga muslimiinta ku daadiyaan mujrimiinta argagixisada shabaab ayuu yiri Cali Calasow.


Waxaa nasiib xumo ah in aan la hadal qaadin dadka shacabka ah ee ay xasuuqeen ee la sheego keliya shaqsiyaad u shaqeeya dawlada ayuu raaciyay Cali Calasow.

Weerarka fuleynimo ee mujruimiintu ku qaadeen huteel Elite ayaan welli dawladu ka soo saarin faahfaahin dheeraada, ayadoo la sheegayo in mujrimiintu welli rasaas ka soo ridayaan gudaha.


Dhinaca kale wasiirka waxbarsahada Goodax ayaa ka badbaaday qarax mujrimiitu aaseen. Nolosha dadka huteelada taga ayaabay ka xun yihiin ama si raaxale shaah u cabaaya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.