X

Ciidanka Itoobiya oo beeniyay sheegashada TPLF ee magaalo Muslimiin badan degan yihiin

Dhiigmiiratada Tigreega ee reer galbeedku maalgeliyaan ayaa dhowr mar sheegtay inay qabsadeen magaalada Dessi oo ay u dambayso maanta oo Jimce ah. Haddaba maxaa ka jira sheegashada Tigreega magaaladan ay Muslimiin badan ku nool yihiin.


Dessi ayaa ku taal gobolka Axmaarada waxase ku nool Muslimiin badan oo badankoodu ah Axmaaro inkastoo ay ku jiraan Oromo. Waxa TPLF sheegatay 6 jeer inay qabsatay ayadoo adeegsata buun-buuninta saxaafada reer galbeedka.

”TPLF waxay madaafiic ku soo tuurtey meelo u dhow Dessi waxayna ku dishay dad shacaba laakiin marnaba ma sheegan karto inay qabsatay ayuu yiri Cali Axmed oo jooga Dessi. Runtii dadka magaalada oo aan aad u hubaysnayn ayaa difaacanaya ayuu raaciyay.


Dhinaca kale afhayeen u hadlay milatariga Itoobiya ayaa ku qoslay sheegashadan. ” Maaha markii ugu horeysay oo aan maqalo ayuu yiri taliye hadlay.

Waxase marhore magaalada soo gaadhay milatariga Itoobiya oo isku fidiyay buuraha ku wareegsan magaalada. Waxa jiray mar ay ku weerartamaan wax an ka badnayn boqol askari isla markiina waa la leefay ayuu raaciyay Cali Axmed.


TPLF ayaa markii ciidanku ka soo baxay gobolka Tigreega waxay bilaabeen inay weeraraan gobolada Axmaarada iyo kuwa Canfarta, waxayna qabsadeen tuulooyin dad shacaba degan yihiin.

”Tigree awood uma leh uu qabsado magaalooyin waaweyn ayadoo an ognahay in reer galbeedka kharashka dagaalkooda bixinayaan ayuu yiri afhayeen u hadlay dawlada oo magaciisa qariyay. Waxayse leeyihiin saxaafad jahwareer gelisa dadka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.