X

Guushii Guriceel maxaan u turjuman karnaa qaran ahaan

Waxa dhawaan xoog looga saaray degmada Guriceel maleeshiyada sheegan jirtey Ahlu sunna. Inkastoo ay sheegteen inay ka baxeen waxa inoo cad in maleeshiyo guul joogta ayna si fudud alaabta u qaadan.


Si kastaba u dhig wuxuu ahaa dagaal aan loo baahnayn haddana muhiim ahaa maadaama ururkani xoog is bidaayay isla markaana uu qalqal gelin karo amniga maamulka haddaan gacan bira lagu qaban.


”Waa halka lagu amaani karo maamulka Galmudug iyo dawlada dhexe waayo si kasta waa loogu dayay ururkan inuu degmada ka baxo cabahadiisana ku helo si nabada wixii macquula ayuu yiri Cali Calasow.

Aakhirkii waxa laga fursan waayay in amniga iyo kala dambeynta la soo celiyo dadkii uu ururkan sheegan jirey Ahlu sunna barakiciyna dib ugu noqdaan magaalada gargaarna loo fidiyo.


”Haddaba tani waxay ka turjumaysaa qaran ahaan in dawlada hadda jirta ay marka nabad wax ku raadiso hadday nabadu socon waydana ay soo celiso amniga iyo kala dambeynta, waxayna ka dhigan tahay inaan jufo dambe qaranka isbaaro u dhigan karin ayuu qabaa Xuseen Warsame.


Isku soo duubaa kooxdan iyo kuwa la midka ah waxay ka dhigan tahay inuu dhamaaday talaabo la hordhigto qaranka, waxayna fariin u diraysaa cid kasta oo isku dayda inay ka gudubto xaydaabka dawladnimada. ” Qaran waa ka awood u fuliya danaha shacabkiisa hadda jufo kale isma soo abaabuli karto ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.