X

Waa inaan helnaa nidaam aan ku cusboonaysiin karno daawada Karoonaha: BUUTIN

Ruushka ayaa bilaabay inuu dib u xanibo isku socodka dadka iyo ganacsiga kadib markii uu kordhay tirada dadka uu soo riday hargabka Karoona. ” Waa inaan helnaa nidaam aan ku cusboonaysiin karno daawada Karoonaha waayo waxa kolba soo baxaya mid cusub ayuu yiri Buutin.


”Waxaan aragnaa in Karoonaha kolba is bedelaayo marka waa inaan la nimaadnaa nidaam aan ku cusboonaysiin karno daawooyinka ka hortaga ee aan hadda haysano ayuu raaciyay Buutin.

Ruushka oo ahaa dalkii ugu horeeyay ee so saaray daawada ka hortaga Karoona ayaa sheegay in tartanka hadda jira aanu u fiicnayn la dagaalanka Karoonaha waayo wadana ma ogola kan kale inuu aqoonsado daawadiisa.


Daawada Isbutnik ee Ruushka ku talaalay dadkiisa ayaa waxa dadkooda ku talaalay wadamo aad u farabadan waxase diiday reer galbeedka oo diidan in Ruushku helo dhaqaale badan.


Tusaale Sacuudiga oo dabada u nuuga gaalka weyn ee Maraykanka ayaa dadka xajka imanaya ka reebay dadka ku talaalan daawada Ruushka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.