Ciidanka NISA ayaa qabtey oo raashin dhacay. Raashinka ay qabteen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya ayaa gaaraya kumanaan Loor sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiinta dowlada.
Wasiirka amniga gudaha uu weheliyo kusimaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa booqday goobaha lagu qarinayay raashinka dhacay oo la doonayay in magaalada la soo galiyo.
Raashinka ayaa laga soo rabay dekedda magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiinta dowladda waxa ay sheegeen in raashinkaasi lagu qarinayay meel dekadda ka mid ah islamarkaana la doonaayay in lagu dhibaateeyo dadka Shacabka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS