X

Ciidanka qaranka laguma qaldi karo maleeshiyo beeleed

Waxa maalmihii u dambeeyay aan arkaynay warar sheegaya maleeshiyo beeleedyo is abaabulay oo weerar ku ah dhiigmiiratada Shabaab oo intii xukunka dib loo keenay horgale Xasan Culusow dib u soo rogaal celisay sababo la ogyahay awgeed.

Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah maleeshiyo beeleedyo ma lagu bedeli karaa ciidanka qaranka ee muddada dheer uu juhdiga faraha badan uu geliyay madaxweyne Farmaajo. Jawaabtu waa maya waxaanad moodaa in weerar lagu yahay ciidanka qaranka.



Waxaan shaki ku jirin in ciidanku haba yaraado tiradooduye uu hogaanka u hayo dagaalada looga ciribtirayo dhiigmiiratada gobolada Hiiraan iyo Galguduud ayuu yiri Cali Calasow ayna garab socdaan waxoogaa maleeshiyo beeleedyo dadka deegaanka ah.

Caqliga ku siinaya in hub loo dhiibo maaha mid ka imaanaya madax xalaala waa mid ka imaan kara kooxda Xalane maangaabna uu fulinayo waayo ma noo sheegi karaa halka hubkaas haba yaraadee ku dambeyn doono, ayadoo aan ognahay in dhiigmiiratadu ku dhex jirto isla kuwan hubka la siinayo ayuu raaciyay Cali Calasow.



Haddii dadka deegaanku diyaar yihiin caqligu wuxuu ina siinayaa in ciidanka lagu daro lana qoro tababarna loo furo kadibna la qalabeeyo, haddii kale waxay noqonaysaa in dhalinyaro badan inooga dhintaan bilaa qalab.

Inkastoo la sheegayo in Maraykanku korka ka caawinayo, waxa hadda si cad loo sheegayaa in Somali Turkigu u tababaray sida loo isticmaalo diyaaradaha aan iswadin ay hogaaminayaan dhinaca cirka.



Dhiigmiiratada ayaa haba yaraatee wax dagaala kala hortagin tuulooyinkaa lagu soo weeraray waayo waxa iyaga ugu daran in la qabto oo la aqoonsado maadaama ay ku dhex jiraan dadka, ayna ku dilaan ku dhex dhuumasho.

Waxa aad is weydiinaysaa kaalinta Xasan Culusow ku leeyahay dagaaladan oo haba yaraatee ah SIIROO, waxaanad is weydiin kartaa sirta ay ka leeyihiin kooxda Xalane in la daaliyo ciidan ayna rabin in qalabkiisa loo dhamaystiro.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.