X

Maxaa keenay in ciidanka dawlada Somaliya hadda isticmaalo diyaaradihii Turkiga

TURKI DRONE

Dawladii uu hogaaminaayay Maxamed X/llaahi Farmaajo wuxuu dhisay ciidan Tayo oo xoreyn kara laakiin ay ku istaageen kooxda Xalane ama kuwa sheegta beesha caalamka ee uu ugu horeeya Maraykanka. Waxa loo diiday inay talaabo qaadanay ilaa markii dambe ciidanka xooga dalku uu soon waayay dhaqdhaqaaaqa ciidanka.



Waxyaabaha aadka uga caraysiiyay kooxda Xalane waxa ka mida diyaaradaha aan is wadin ee Turkigu leeyahay oo dawladu ku guulaystay in Turkigu deeq ahaan u siiyo laakiin diyaaradahaas Lama isticmaalin.

Sababta ugu weyna waxay ahayd kooxda Xalane ee Maraykanku ugu horeeyo oo diiday in la kiciyo, ayagoo ku hanjabay inay cunaqabatayn ku soo rogi doonaan kadibna waxa lagu daayay sidii.

Markii ay keensadeen fadhiid Xasan Culusow wuxuu Maraykanku markii bilaabay inuu dib u xasuuqii shacabka asagoo soo celiyay duqeymihii iyo askartiisii. Waxaad is Oran kartaa hadda maxaa Ku soo beegay in diyaaradahaas dib loo kiciyo.



Jawaabtu way fududahay waxana living loo rabaa fadhiid Xasan Culusow oo u sujuuday boqoradii bakhtiday ee Ingiriiska weliba la sheegayo in kaniisad la fafhiisiyay. Ma xuma hadday daacad ka tahay in meesha laga saaro kooxda dhiigmiiratada shabaab laakiin ujeedada ugu weyn ayaa ah in laysaga dhigayo in wax loo qabanayo. Waxaan ognahay in dhiigmiiratada shabaab uu ku adeegto Maraykanku.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.