X

Dayib Rajib Erduqaan oo sheegay in Maraykanku hubaynayo Giriig

Madaxweynaha Turkiga Dayib Rajib Erduqaan ayaa sheegay in Maraykanku hubaynayo Giriiga uuna fahansan yahay ujeedada uu ka leeyahay hubayntaas. Hadalka madaxweynaha ayaa yimi kadib diyaaradaha aan is wadin ee Turkigu ay soo duubeen maraakiib Maraykana oo hub ka dejinaya jasiiradaha u dhexeeya Turkiga iyo Giriiga.



”Waan ognahay ujeedada ay leeyihiin kuwa ka dambeeya hubayntaas ka socota jasiiradaha loo yaqaan Eejiyaan ee u dhexeeya Guiriiga iyo Turkiga ayuu yiri madaxweyne Dayib. Heshiisku wuxuu ahaa in hubayn laga ilaaliyo jasiiradahaas oo xilligii hore ay maamuli jireen Cusmaaniyiinta.

Kadib dagaalkii lagu abuuray jamhuuriyada cusub ee Turkiga oo bedeshay Cusmaaniyiintii burburtey ayaa heshiis lagu duugey in jasiiradaha faraha badan ee u dhexeeya labada dal ay noqdaan kuwo ka caagan milatariga.



Ujeedada Maraykanku u hubaynayo Giriiga oo milatari ahaan iyo dhaqaale ahaan diciifa una dhigmin Turkiga ayaa ah inuu wax u dhimo awooda Turkiga iyo horumarka uu ka gaaray dhinaca miltariga waqtiyadan dambe.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.