11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ciidanka Siilaanyo oo rasaas nool ku furay banaanbax ka dhacay Lawyacado iyo cid u hadasha oo aan jirin

images[3]Lawyacado–Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya Lawyacado ayaa sheegaya in shacabku banaanbax ka rideen halkaas ay uga soo horjeedaan ciriiriga la galiyay iyadoo kolba dhinac ay u eryadaan maleeshiyada Siilaanyo iyo ciidanka Jabuuti.

Cunaqabatayn xoogleh ayaa saaran gobolada xeebta ee Awdal tas oo dadku markasta ka gadoodaan inkastoo wali aan la hayn khasaaraha dhabta ee ka dhashay rasaasta nool ee loo adeegsaday dadkaas.

Wararka ayaa sheegaya in la xidhay dad farabadan qaarna lala dhacay qoriga dabadiisa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS