X

Ciidanka Somali galbeed oo kabaha la dulmaray maleeshiyada Canfarta iyo khasaare jira

Ciidanka Somali galbeed ayaa hilfaha u qaaday maleeshiyo ay soo direen maamulka Canfartu. Deegaanada uu dagaalku ka dhacay ayaa ah kuwo Cabdi Iley hore u siiyay Canfarta isagoo ku xumaynaya qabiilka Ciisaha. Dagaalka maanta dhacay ayaa waxa jira khasaare u badan dhinaca Canfarta.


Dhamaan deegaanada lagu dagaalamayay ayaa waxa gacanta ku haya ciidanka dawlada Somali galbeed oo baryahan soo jeeda. Madaxweyne ku xigeenka Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa sheegay inayna bixin hal taako oo Somali leedahay.


Canfarta oo intooda badan ah dad reer baadiye ah aanan lahayna magaalo weyn oo caasimad u ah ayaa intooda badan la nool Somalida Jabuuti, waana kuwooda ugu roon ee wax haysta.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.