X

Shiinaha oo wacad ku maray inuu qabsado gooni goosadka Taywaan

Shiinaha ayaa layli milatari ka wada xeebaha dalkiisa ee gooni goosadka Taywaan kaga sugan yahay, waxayna wacad ku mareen inay qabsadaan hadday saaxiga keeni waayaan. Maraykanka ayaa geeyay hub aad u farabadan taas oo xaalada sii cakiraysa.


Waxa dhinaca kale Maraykanku qas ka wadaa badaha Shiinaha ee reer galbeedku u yaqaan Koofurta iyo Bariga. Taywaan ayaan u babac dhigi karin Shiinaha waxayse isku halaysaa Maraykanka.


Diyaaradaha Shiinaha ayaa hadda bilaabay inay maalin kasta dulmaraan hawada dalkooda iyo magaalada ugu weyn Taywaan ayadoon ku dhici karin inay ku weerarto gantaalada Maraykanka siiyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.