X

Ciidanka xooga oo kolba deegaano horleh la wareegaya iyo Amisom oo cadhaysan

Waxa markasta sii kordhaysa awooda ciidanka xooga u kula wareegayo deegaano horleh waxayna tani ka cadhaysiisay Amisom oo iyadu rabta inay sanado badan sii joogto. Deegaanadii ugu dambeeyay ee ciidanku la wareegay ayaa ka mida gobolka Bakool.



ā€¯Awooda ciidanka ee kordhaysa lama rabo waxana xooga la saarayaa sidii loo difiicin lahaa ama loogala dagaalami lahaa inay helaan awood dheeraada ayuu yiri Cali Calasow.

Kiiniya waxay ka mid tahay wadamada geed gaaban iyo geed dheer u fuulay sidii Somaliya ayna u helin awood ciidan, waxayna ku adkaysnaysaa inay sii joogto Kismaayo.


Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin haddii madaxweynaha hadda talada haya uu soo laabto ay sii balaadhan doonto awooda ciidanka, Kiiniyana laga saari doono Kismaayo ayuu qabaa Cali CAlasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.