X

Dagaal dhexmaray tuugo isbaaro dhigatey iyo ciidanka dawlada

Waxa dagaal dhexmaray tuugo isbaaro u taalay gobolka shabeelaha hoose iyo ciidanka dawlada oo ku soo baxay. Tuugadan ayaa isbaarada dhigtey si ay dadka u dhacaan oo baad uga qaataan. Goobta dagaalku ka dhacay ayaa u dhow Wanlaweyn.



Sida uu ku waramay taliyaha ciidanka hogaaminaayay waxa ka dhaawacmay hal askari iyo qof shacaba halka ay iyaguna gacanta ku dhigeen tuugtii isbaaradu u taalay laba ka mid ahna dileen.


Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa yaala isbaarooyiin qaarkood ay leeyihin isla ciidanka halka kuwo kalana ay dhigteen tuugo baad urursada. Labada isbaaro lama ogola sida ciidanku sheegayaan.

Isku socodka gobolada Koofurta ayaa inta badan dadka shacabka ah ay ku qabaan dhibaatooyin xoogleh iyo baad joogta ah.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.