Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga ayaa waxaa ay sheegeen in dhiigmiiratada Shabaab ay goobaha qaar ku aaseen miinooyin, isla markaana ay soo saareen qaarkoodna ay qarxiyeen ,iyada oo aan cidna wax ku noqon.
Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Ciidanka xoogga dalka Cabdi Xamiid Maxamed Dirir oo ku sugan Janaale ayaa horkacaya howlgalka, waxaana uu sheegay inay howlgalkaas sii wadi doonaan ilaa iyo inta dhiigmiiratada Shabaab laga saarayo deegaannada kale.
Waxaa uu sheegay Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta in meelaha qaar ay miinooyin ka soo saareen, waxaana uu tilmaamey inay si buuxda Ciidamada Dowladda u sugeen Amniga deegaanka Janaale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay