X

Cilad ku timi khadka internet-ka ee Koofurta dalka oo la faahfaahiyay

Waxa maanta aan shaqayn khadka internet-ka ee meelo badan oo ka mida Koofurta dalka sababo la garan waayay. Shirkadaha adeegan bixiya ayaa hawada ka maqnaa. Waxay ahayd 4 bilood kahor markii uu go’ay halka khad ee soo gala dalka.


Haaba wasiirka boostada ayaa war ka soo saaray arintan

Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 ama xariga degdega ee Jabuuti oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala;

Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada.



Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda waxa ay uga mahadcelinaysaa Shirkadda SOMTEL oo degdeg uga jawaabtey baaqii dowladda ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee bariga Afrika ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020, Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.