X

Sucuudiga oo kordhiyay tirada booqan karta Cumrada iyo masjidka rasuulka CSW

Masuuliyiinta Sucuudiga u qaabilsan arimaha xajka iyo cumrada ayaa sheegay inay kordhiyeen tirada imaan karta wejiga labaad oo ay gaarsiiyeen 600,000 kun oo qof. Masuuliyiinta ayaa sheegay in dadka cumreysanaya ay iska diiwaan geliyaan aalad ay ugu maga dareen Eatmarna.


ā€¯Waxaan aaga masjid xaramka dhaqnaa 10 jeer maalintii si loo helo dariiqooyin la maro oo nadiifa ayuu yiri madaxa arimaha xajka iyo Cumrada ee masjid xaramka.

Wejiga labaad ayaa bilaaban doona 18-ka bishan wuxuuna dhamaan doonaa 31 bishan gaalada ee aynu ku jirno. Dadka cumreysanaya ayaa aalada Eatmarna ku dooran doona albaabka ay ka galayaan iyo halka ay baxayaan iyo weliba inay booqdaan masjidka rasuulkeena CSW iyo gudo u gelida aqalka xaramka.


Waxa dadka laga codsadey si faafida cudurka loo yareeyo inay raacaan masuuliyiinta ka shaqaynaya masjid xaramka iyo nidaamka loo dejiyay ee ka hortaga Koroona.

Sucuudiga ayaa sheegay in cudurku sii kordhayo dalkooda laakiin dadka ka bogsanaya ay sii kordheen.

Rasiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.