X

Nin gaystey dil laga argagaxay oo waajibkiisa la mariyay maanta

Faarax Cabdi Caagane ayaa waxa gacantiisa ku baxdey isla hooyadii dhashay. Dilka gacan ku dhiiglahan ayaa aad looga argagaxay markii la maqlay, waxana la ogaadey inuu miyir qabay markii uu hooyadii dhashay u gacan qaaday.


Ehelada hooyada la diley ayaa markiiba dalbadey in qoorta loo dheereeyo, sidi caadiga ahaydna waxa la mariyay maxkamad ku shaqaysa nidaamka gaalada, waxayna horjooge Siciid Deni ku qaadatey inuu raaco sharciga diinta Islaamka mudda sadex bilood kadib dilkii foosha xumaa.

Ninkan oo qirtey dilka hooyadii ayaa maanta qoorta loo dheeraayay markii lagu toogtey Garoowe sida ay sheegtay maxkamada Siciid Deni.


Allaha u naxariistee Xaawo Jaamac Cabdulle ayu ku diley deegaan ka tirsan gobolka Nugaal. Dilalka
caruurtu u gaysanayso waalidiintood ayaa haba yaraatee ah dhaqan ku cusub dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.