X

Gabadh yar oo Waraabe dhaawac ugu gaystay Hargeysa

Xaafid Ku taal magaalada Hargeysa ayaa Waraabe Ku jiitay gabadh yar oo da’deeda lagu qiyaasay lix Jira. Gabadha ayaa ku society gurigeeda oo u dhawaa goob jiq noqotey maadaama uu ka baxo geeska burburka ee loo yaqaan garanwaa.

Goobjooge gabadha yar soo badbaadiyay ayaa sheegay inuu ku baxay qaylada gabadha yar kadib markii uu meel jiqa ka dhex maqlay. ” Markii hore ma moodeyn in halka ii dhow Waraabuhu joogo waxaanse maqlay qaylada dadka leh Waraabaa gabadh qaatay ayuu yiri goobjooge.

Toosh ayaan ku ifiyay waxaanan arkay indhaha shidan ee Waraabaha, kadibna waa baxsaday, gabadha yar oo dhiigle ayaan ku idhi soo bax, wayna soo baxday, kadibna waxaan ula cararnay farmashiiyaha.

Dhacdadan ayaa lagu sheegayaa ugub maadaama Waraabuhu ka buuxo magaalada laakiin aanu cunin dadka. ” Waxay hadda noqonaysaa in weerar lagu qaado Waraabaha oo laga fogeeyo isaga iyo caruurtiisaba ayuu yiri Kaahin Muuse.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.