Ciyaartii u dhaxaysay xulalka Gini iyo Igwatooriyad Gini ayaa fadeexad iyo dhagxaan tuuris ku dhamaatay iyadoo ugu dambeyn ay garoonka soo dul istaageen diyaaradaha helikobtarka oo ilaalo u fidiyay taageereyaasha Gaana oo dhagxaan lala dhacay.
Gaana ayaa garaacday Igwatooriyad Gini sadex gool iyo eber waxase laga naxay sida foosha xun ee ciyaaraha Afrika ku dambeeyaan.
Gaana ayaa ciyaarta qaybteedii hore ku hogaamisay laba gool iyo eber taas oo ka cadhaysiisay taageerayaasha xulka Igwatooriyad Gini. Waxa la arkayaa ciyaryahanada Gaana oo booliisku isku gadaamay si aan loo dhaawicin.
Taageerayaasha Igwatootiyad Gini ayaa qaba haddii dhaawacyo loo gaysto ciyaaryahanada Gaana in ay iyaga sidaa guushu ku raacayso taas oo aan dhacayn.
Wadamada qaar ayaa qaba in Igwatooriyad Gini laga tuuro ciyaaraha Afrika ilaa inta ay anshax yeelanayaan taageerayaashoodu.
Ciyaarta oo ay ka hadhan tahay sided daqiiqo ayaa taageerayaasha Gaana waxa laysugu geeyay goolka xagiisa dambe si amaankooda loo ilaaliyo taas oo nusaac dib u dhigtey ciyaarta dhan.
Ciyaarta kama dambeysta ayaa waxa wada ciyaari doona xulka Ivory Coast iyo Gaana taas oo aduunka laga daawan doono noqona doonta ciyaar xiise leh.
ARAABINEWS