X

Cudur aan la garanayn oo ka dilaacay Tansaaniya xilli Amisom

Ciidanka Afrikaanka ee jooga Koofurta dalka ayaa kordhiyay askarta uu keenayo ha noqoto bedelaad iyo kuwa kalabee sida askar berito laga soo dejinayo Muqdisho. Tani ayaa sii korodhey muddada uu soo noqday Xasan Culusow.


Imaatinka askartan ayaa ku soo beegantay xilli cudur aan la garanayn uu ka dilaacay Tansaaniya. Cudurkan oo leh calaamadaha sida Iboola iyo Karoona ayaa ku diley 3 qof Koofurta dalkaasi.


”Mid ayaa ka badbaaday 3 kalana way dhinteen ayuu yiri hawl wadeen ka tirsan waaxda caafimaadka Tansaaniya oo booqday goobta masiibadan ka dhacday oo ah gobol duura kuna yaala Koofurta dalkaasi. Cudurku wuxuu leeyahah dhiig baxa maskaxda.


Madaxweyne Tansaaniya Saamiya Xasan ayaa sheegtay in cudurkaan uu ka dhashay is dhexgalka dadka iyo duurjoogta, ayadoo u jeeda in dadku cunaan xayawaano aan la cunin kadibna sidaa ugu dhaco xanuunada xayawaanka u gaarka ah.



Waxa marar badan la sheegaa in cudurada Karoona iyo Iboola ay keento cunida xayawaano duurjooga oo inaga Muslimka ah aynaan u dhawaan.

Si kastaba ha ahaatee askartan ku soo qulqulysa Koofurta ayaa keeni kara dalka haddayna keeninba cuduro halisa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.