X

Maxaa keenay mashruucii abaarta ee kooxda Xalane inuu fashilmo

Mashruucyada kooxda Xalane ka fushanayso horgale Xasan Culusow (Xasan Beenlow) ayaa lagu bilaabay abaarta waxana la faray inuu magacaabo ergay ay aduunka tusaan. Waxana Xasan beenlow u magacaabay C/raxmaan C/shakuur oo loolankii madaxtinimada helay 15 xildhibaan keliya.


Waxa laysku dayay in lacago badan lagu cuno oo ah lacagtii loogu talogalay ciidnak iyo midii laga qaaday musharixiinta laakiin nidaamkii maaliyada ee ay dejisay dawladii madaxweyne Farmaajo ayaa diidey in shilin dheeldheel ku baxo ayuu qabaa Cali Calasow.

Kooxdii Xalane ayaa loo cawdey oo lagu yiri shilin mahayno aan ku dhaqdhaqaaqno ee haddii aad rabtaan sheekadaaan inay socoto waa inaad keentaan lacag ayuu raaciyay Cali Calasow.


Waa sheekada sii xumeeyay Rooble baahane oo lacag uu balan qaaday uga baxay ilaa hadda lacagtaa halka ay martey lama yaqaan. Waxana su’aalo badan ka taagan yihiin lacagtii Imaaraadka laga qabtey halka ay ku dambeysay.



Kooxdii Xalane ee sheekadan rabtey oo ujeedadu ahayd in malaayiin doolar ay ku helaan sawirada la qaadayo ayaa iyana dib u guratey laakiin iyagu waa fushadeen ujeedada ay lahaayeen.

”Waxa wax laga yaqyaqsoodo in dad masaakiin sidii gaalada laysku sawiro oo lagu tuugsado uuna fuliyo shaqsi Somali ah ayuu yiri Xuseen Warsame

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.