X

Xulafada ka dhanka ah reer galbeedka oo wadamo Muslimiina ku biirayaan

Sidii Maraykanka iyo kooxda uu hogaamiyo ay weerar qarsoon ugu qaadeen Ruushka iskuna dayeen inay go’doomiyaan dhaqaale ahaan ayaa iyagii ka qaadeen dhaqaale xumo iyo sixir barar iyo lacagtoodii oo dhulka gasha.


Haklka Ruushkii ay islahaayeen dhulkii galayaa muddo kooban uu isna ka qaaday qamadii ugu badnaa oo u go’a, lacagtiisii dhulka taalay oo kor u kacday, iyo balaayiin doolar oo uu ka helay gaaska iyo saliida uu iibgeeyo marka laga yimaado badeecadaha kale ee uu gato.

Haddaba aduunka Muslimka sidey u dhan yihiin qayb kama ah cunaqataynta dunida khaniiska ee uu hogaamiyo Maraykanku ay ku soo rogtey Ruushka, run ahaantiina wayba la jiraan Ruushka badankooda.


Dhinac kale ururka ay ku midoobey dhaqaalaha ama loo soo gaabiyo BRICS mama afarta dal ee waaweyn ee ay ka mid yihiin Ruushka, Shiinaha, Koofur Afrika iyo Hindiya oo dhamaantood kow ka aha tirada aduunka ayaa hore u sheegay in Iiraan iyo Arjentiina ay soo gudbiyeen codsiga ah inay ku biiraan.



Hadda waxa iyaguna ku biiraya wadamada Muslimka ugu muhiimsan sida Turkiga, Sacuudiga iyo Masar. Madaxweynaha BRICS ayaa sheegay in arjiga sadexdaa dal aanu meel cidla ah ku dhacayn’

Tani waxay wejigabax weyn ku tahay wadamada khaniisiinta ee reer galbeedka oo iyagu ah kuwa ugu badan ee quuta wax soo saarka dunida.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.