Thursday, April 18th, 2024
header










Meta







Cudurka naqas ku dhega ee Shiinaha ka dilaacay oo la ogaaday halkuu ka yimi

Waxa aduunku aad uga qaylinayaa cudur cusub oo ka dilaacay gobol ka mida Shiinaha oo calaamadaha lagu garto ay yihiin naqas ku dheg iyo qofka oo u xanuunsada sida hargab ku dhacay oo kale. Dawlado badan ayaa takoorey dadka Shiinaha ee ka imaanaya gobolkaas waxana loo sameeyay meelo gooni ah oo lagu baaro.



Haddaba cudurkan aabihii ayaa ahaa mid dalkaasi ku dhacay sanadii 2002 oo la sheegay markii dambe in laga qaaday fiidmeer la cuney. Xayawaanada aan aduunku cunin ayaa caan ka ah dalkaasi Shiinaha oo ay aad u cunaan.

Waxa ku jira masaska, dabagaalaha, fiidmeerta iyo nooc kasta oo xayawaana. Magaalada cudurkaan ka bilowdey ayaa gebi ahaanba takooran oo ayna jirin wax galaya iyo wax ka baxaya. Gobolkan ayay ku noolyihiin dad ka badan Somaliya oo dhan.



Cunida Fiidmeerta iyo Masaska

Culimada wax baarta ayaa qaba in cudurkaan ay walaalo yihiin cudurkaas hore ee sambabada ku dhaca ee laga qaaday fiidmeerta la cuney. Cudurkan ayaa sawaabiya cudurka Iboola ee ku dhacay galbeedka Afrika oo isna Afrikaankaasi ka  qaadeen fiidmeerta. Waxa Shiinuhu hadda sheegay in ay mamnuuceen cunista xayawaanada oo dhan.



Sanadkii hore ayaa waxa jirey in nin iyo naag xaasley ah oo ku nool dalkaasi Mongooliya ay cuneen dabagaalaha nooca waaweyn ee ku nool inta badan godadka, waxyar kadibna u dhinteen dhiig bax iyo naqas ku dheg weyn.

Sawirka hoose waa maraq fiidmeer dilan dultaalo

Shiinaha badankiisa siiba gobolada u dhow gobolka cudurkani ka dilaacay ayaa sanka iyo afka wada xirtey si ay uga badbaadaan in ay neefsadaan hindhisada iyo qufaca dadka kale.

Wararkii ugu dambeeyay ee cudurkan halista ah ee qofka uu Ku dhaco lagu daaweeyo takoorid ayaa soo gaaray Sucuudiga halkaas oo laga helay kalkaaliso Hindiyad ah oo ka shaqaysa isbitaal lagu magacaabo Alxayaad oo masaafo u jirta caasimadda Riyaad.



Waxa la aaminsan yahay in cudurkan faafayo inta ayna soo bixin calaamadaha xanuunka lagu garto ee sida hargabka ah taas oo halisteeda leh waayo qofka ma oga inuu qabo waase faafinayaa cudurka. Dhimashada aya maraysa 56 qof halka dadka u jiifa lagu sheegay ilaa 2000 oo qof inkastoo Shiinaha lagu eedaynayno inuu qarinayo faafida cudurkan iyo dhimashada saxda ah.

Somaliya iyo hargabkan Shiinaha



Somalidu waxay xiriir toosa oo wax iibsi la leeyihiin Shiinaha lamana garan karo in gobolkan xanuunku ka dilaacay ay ku jirto gobolada ay wax ka soo iibsadaan. Laakiin waa mid Ilaah keliya ka heyn karo cudurkaan, ayadoo dawladihii waaweynaaba la tacaalayaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...