X

Culimada Ahlu Sunna oo lagu amaanay go’aanka siyaasadeed ee ay qaateen

Culimada Ahlu Sunna ayaa lagu amaanay go’aanka siyaasadeed ee ay ka qaateen hogaanka Galmudug kadib isku dhacyo dhexmaray iyaga iyo maamulka cusub. Culimada Ahlu Sunna ayaa mudooyinkii ay talin jireen dhilkooda uga caariyay argagixisada wahaabiyada ee shabaab.

Hogaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Sheekh  Macalin Maxamuud sh Xasan Faarax oo  la hadlay  saxaafada ayaa sheegay inay ka tanaasuleen go’aankoodii siyaasadeed ee hogaaminta Galmudug oo ay xaqa u lahaayeen.

Waxaan dhulkaan uga caarinay argagixisada, waanan sii wadaynaa dagaalka looga sifeynayo dalkoo dhan dhiigmiiratada ayuu yiri Sheekh Macalin.

Ma rabno inuu dhiig Ku daato goob aan Ka shaqaynay oo uu Ku faantey dhiiga shuhada badan ayuu raaciyay.

Doorka culimada ay qaateen ayaa waxa soo dhaweeyay dhamaan bulshada Somaliyeed oo sheegay inay tahay doorkii laga filaayay culimada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.